Waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka laga gaaray Warshada Bareeda, oo ah warshad casri ah oo farsamaysa kalluunka. Sida ay u ilaalisay heerarka caalamiga ah ee wax-soo-saarka, waxay muujinaysaa dadaal, hufnaan. Warshaddani waxay soo saari doontaa kalluun tayo wanaagsan oo laguna kalsoonaan karo, kana tarjumaya xirfad iyo hannaan waafaqsan shuruudaha caalamiga ah. Sidoo kale, waa tallaabo horumarineed oo sare u qaadaysa kalsoonida wax-soo-saarka gudaha isla markaana xoojinaysa kobaca dhaqaalaha.