Anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si adag u cambaaraynayaa xasuuqa iyo duullaanka ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. Dunidu waa inay joojisaa aamusnaanta. Dad aan waxba galabsan ayaa la dilayaa, guryahoodana waa la burburinayaa. Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaalaheena Falastiin. Waxaan ku baaqayaa in isla markiiba la joojiyo gardarrada iyo cunaqabataynta. Haddii Israa’iil sii waddo falalka arxan darrada ah, waxay la kulmi doontaa ciqaab ka weyn tan ay weligeed aragtay — ciqaab ka timaadda caddaaladda Eebbe iyo codka ummadaha aduunka. Ilaahay ha u naxariisto dadka dulman, hana hanuuniyo kuwa dulmiga wada.